Home Wararka Maanta (Sawiro) Taliyihii shalay Lagu dilay Sh/dhaxe iyo askar la socotay oo Maanta...

(Sawiro) Taliyihii shalay Lagu dilay Sh/dhaxe iyo askar la socotay oo Maanta Muqdisho Lagu aasay

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha ciidanka dhulka Gen.Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo maanta magaalada Muqdisho loogu Sameeyay AUN Taliyihii Ururka 6aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Maxamed Cabdi waaxid Faarax iyo Askar kale oo ku Shahiiday Dagaal argagixisada ee ka socda deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe .

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen.Biixi ayaa alle ugu baryay in janadii Fardowso ka waraabiyo isagoo sheegay in ay geeriyoodeen iyagoo Difaacaya qarankooda .

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in wado sax ah ay ku bexeen shuhadana ay yihiin waxaana uu xusay in Qaranka Soomaaliyeed marna uusan ilaabi doonin Daljirayaasha geeriyooday iyagoo ku jira Difaaaca Qarankooda.

Ad
Previous articleDhageyso Taliyaha Ciidanka Asluubta ” Qofkii risaas nagu rida waxuu nagala kulmayaa Jawaab Deg Deg.
Next articleCiidmadii asluubta oo Laga qaaday Wadada Maxkamadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here