Home Wararka Maanta Faahfaahin: Hooyo iyo saddax carruur ah oo ay dhashay iyo aabbe iyo...

Faahfaahin: Hooyo iyo saddax carruur ah oo ay dhashay iyo aabbe iyo afar carruur ah uu dhalay oo Qarax Ku Geeriyooday

0

Qarax nuuca miinada hareeraha waddooyinka lagu aaso ayaa gabal-dhicii maanta ka dhacay deegaanka Jicibow ee kuyaalla duleedka magaalada Buuloburte, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa haleelay mooto nuuca saddexda lugood leh oo ay adeegsadaan beeraleyda, waxaana nootadaasi la socday dad isku qoys ahaa oo ka yimid beeraha Jicibow.

Inta la xaqiijiyay qaraxa miino waxaa ku dhintay sideed qof oo ka koobnaa hooyo iyo saddax carruur ah oo ay dhashay iyo aabbe iyo afar carruur ah uu dhalay, dadkan ayaana dhammaan wada saarnaa mootada.

Maamulka Buulaburte ayaa qaraxan ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxda Al Shabaab, waxa ayna sheegeen maamulka in Al Shabaab markii ku jabeen dagaalka bilaabeen in shacabka ka aargutaan oo qaraxyo ku dilaan.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey dilka argagax lahaa ee loo geestay Nasro Cabduqaadir Maxamed
Next article”Taa waa idinku taageeraynaa” – Erdogan oo ku dhawaaqay moowqif aan ka farxinaynin dalka Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here