Home galmudug Dhageyso Madaxweynaha Galmudug Hadal uu Maanta ka Jeediyay Magaalada Gaalkayco isagoo Heshiiska...

Dhageyso Madaxweynaha Galmudug Hadal uu Maanta ka Jeediyay Magaalada Gaalkayco isagoo Heshiiska Jig Jiga Si Feecan u Sharaxay iyo Arinta isbaarada”

0

Madaxweynaha Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guleyd oo Maanta la Hadlay Bulshada Gaalkayco kadib Markii uu la Qaatay kulan Dheer ayaa ka Hadlay Arimo Badan,

ugu Horeyn Cabdi kariin Ayaa ka Hadlay Arinta Xuduuda ee itoobiya iyo Somalia Gaar ahaan dhanka Galmudug Waxana uu Sheegay in Marka Hore ka Hadleen Maamulka itoobiya

1 in La Joojiyo Dagaalka Dhacayo

2 in Hadalka Afka La Joojiyo Kaasi oo ka Daran Dagaalada Dhacay.,

3 in Dadkii La Dhibaateeyay La Xaalmariyo oo Dhibka Laga Tirtiro,

4 in La Walaaleeyo isla markana La Walaaleyo Dadka Halkasi Wada Daga iyadoo labada Maamul Wadajir Yihiin,

5 in Ciidanka Labada Dal aysan isku Gudbin Tusaale in Ciidanka itoobiya ee Liyuu Bolis aysan soo Gali karin Dhulka Somalia,

6 Sidoo kale in la Sameeyo Gudi Labada Dal la Magacaabo kuwaasi oo Xaliya Wixii Dhicidoona iyo Wixii Hada Dhacay,

Cabddi kariin Waxa uu sheegay in Nabadaasi uu soo Qaaday isagoo Matalaya Dadka Reer Galmudug Waxana uu ka Codsaday in Shacabka Galmudug ka Aqbalaan Arinkaasi,

Odayaasha Labada Dhinac ayuu ugu Baaqay in ay Arintaasi mar Walbo ka Hadlaan,

ugu Danbeyn Ayuu Ka Hadlay Madaxweynaha Arinta isbaarooyinka Gobolka Mudug Yaala Taasi oo Si Weyn uga Hadlay ,

Si Hadalkaasi oo Dhan u Dhagesatit Halkan Hoose Riix

riix

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here