Home Wararka Maanta Caro ka dhalatay sigsaan lagu qoray magaca ilaahay oo lagu iibiyay dal...

Caro ka dhalatay sigsaan lagu qoray magaca ilaahay oo lagu iibiyay dal Islaam ah

0

Ninka caanka ah ee aasaasay ganacsi laga leeyahay dalka Malaysia ayaa lagu soo oogay dacwad ka dhan ah iibinta sigsaan ama sharabaaddo ay dusha sare kaga qoran tahay magaca ilaahay ee ‘Allah’.

Chai Kee Kan iyo xaaskiisa, Loh Siew Mui, oo ah agaasimaha shirkadda, ayaa lagu eedeeyay inay dhaawaceen dareenka diimeed ee dadka kale.

sharabaadadan ayaa laga helay bakhaar ku yaalla duleedka caasimadda dalka Malaysia taasi oo ay si weyn uga caroodeen dadka muslimiinta ah oo u arka badeecadaasi mid aflagaaddo ah.

Maxkamad ku taalla dalka Malaysia ayaa ku soo oogtay eedeymo madaxda sare kadib markii lagu helay sigisaantan oo lagu iibinayo mid ka mid ah dukaamadooda.

Shan qof ayaa lagu soo oogay dacwad Talaadadii kadib markii sawirrada sharabaadada dambiga ah ay caro ka muujiyeen dadka baraha bulshada.

Waxay diideen dambiga. Haddiise lagu helo dambiga lagu soo oogay, waxa ay muteysan karaan xabsi ilaa hal sano ah.

Sharabaadada ayaa muran ka dhashay laba todobaad ka hor, iyadoo qaarkood ay ku baaqeen in la qaadaco goobahan ganacsi.

Suuqa yar ee KK Super Mart Malaysia ee Xin Jian Chang, ayaa raaligelin bixiyay. Bakhaarku waxa kale oo uu khaanadihiisa ka saaray sharabaaddadan carada dhaliyay.

Laakin muranku waa mid weli sii socda iyadoo sawirada sharabaadadu ay dhaleecayn online-ka ku socoto, waxayna sidoo kale dhaleeceyn kala kulmeen boqorka Malaysia iyo hogaamiyayaasha siyaasadda.

Booliska ayaa sheegay in ay heleen ku dhawaad 200 oo dacwadood oo arrintan la xiriirta Isniintii.

Isticmaalka magaca Allah oo ah mid muqaddas ah muslimiintuna ay isla sidaas ku doodayaan ayaa horay loogu arkay Malaysia iyadoo ay adeegsanayaan dad aan muslimiin ahayn.

Dastuurka Malaysia waxa uu dammaanad qaaday xorriyadda diinta. Laakiin Islaamku waa diinta rasmiga ah ee dalka, Muslimiintana waxay ka yihiin in ka badan saddex-meelood laba meel 34-ta milyan ee qof ee dalkaasi ku nool.

Toddobaadkii hore, boqorka Malaysia, Sultan Ibrahim Sultan Iskandar, ayaa cambaareeyay ganacsade Mr Chai, wuxuuna ku baaqay “in tallaabo adag” laga qaado kuwa mas’uulka ka ah, falkan “waxyaabaha la xiriira arrimaha diinta iyo jinsiyadda sida kuwan oo kale waa wax aan la aqbali karin,” ayuu yiri isagoo u muuqday in uu dirayo canaan naadir ah oo ka timid qasriga.

Ra’iisul wasaare Anwar Ibrahim ayaa ku baaqay “tallaabo adag” isagoo dadka ku boorriyay “in aysan sii wadin ka hadalka musiibadan weyn”.

KK Mart waa shirkad Malaysian ah oo weyn isla markaana haysata boqolaal dukaan oo dalka oo dhan ah. Waxay dacwaysay Xin Jian Chang iyada oo sabab uga dhigaysa khasaaraha iyo dhaawaca soo gaadhay sumcadeeda. Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in lagu qasbay in ay iska tuurto liiska suuqa saamiyada Malaysiya ka dib murankii.

Alaab qeybiyaha, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka fiirsanayo inuu dacweeyo shirkadda Shiinaha ee u soo rartay sharabaadada.

Alwani Ghazali, oo ah bare sare oo ka tirsan Akadeemiyada Daraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Malaya, ayaa u sheegay idaacada BFM in sharabaadada ay sida ugu dhaqsiyaha badan suuqa uga baxayaan.

“Muslim ahaan, waxaan u maleynayaa inaysan habboonayn arrintan waa qalad weyn iyo heshiis hoosaad” ayey tiri.

Subaxnimadii hore ee Talaadada, warbaahinta Malaysia ayaa sheegtay in uu jiray isku day dab kicin ah oo lala beegsaday goob suuqa KK Mart oo ku yaal gobolka woqooyi ee Perak. Ma jiro wax dhaawac ah oo la soo wariyay ka dib markii dhalooyin laga soo buuxiyay gaas lagu tuuray dukaanka.

Ad
Previous articleSababta Gaalkacyo loogu Dilay Cali Ciid iyo Cida Ka Danbaysa Dilkiisa oo la Ogaaday
Next articleSacuudiga oo Amar Culus kusoo Rogay Dadka Cumraysanaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here