Home Wararka Maanta Dadkii loo qabtay dilka ganacsade Soomaali ah oo lagu dhaawacay xaafadda Islii...

Dadkii loo qabtay dilka ganacsade Soomaali ah oo lagu dhaawacay xaafadda Islii oo maydadkooda la helay

0

Warbaahinta Kenya ayaa siyaabo kala duwan ugu warramaysa kiiska nin ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo Aadan Cali Maxamed, kaas oo dhawaan dhaawac iyo dhacba loogu gaystay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Saddex ka mida dadkii tuhmanayaasha kiiska ahaa ee looga shakiyey ku lug lahaanshaha toogashada ganacsade Aadan Cali, ayey dhawaan ciidamada ammaanka ee Kenya ka soo qabteen magaalada Mombasa, iyagoo markaas doonayey sida la sheegay inay iibsadaan gaari balse baxsad ah.

Labo ka mida tuhmanayaasha ayaa hadda warbaahinta NTV ee Kenya warisay in maydadkooda laga helay deegaano kala duwan oo ku yaal gudaha Kenya.

Mid ka mid ah tuhmanayaasha ayaa maydkiisa laga helay ismaamulka Kiambu halka midka kale laga helay deegaanka Juja.

Booliska Kenya weli kama aysan hadlin geerida seddexda qof ee tuhmaneyaasha ah.

Aadan Cali Maxamed, oo ah ganacsade Soomaali ah ayaa dhawaan lagu toogtay, laguna dhaawacay xaafada Islii isagoo saaran mooto laba lugooley ah, xilligaas oo ay rag hubaysan oo iyana mooto noocaas oo kala saarnaa ay toogteen, kuwaas oo sidoo kale ka dhacay lacag dhan $31,000 oo doolar

Aadan waxa uu damacsanaa in uu lacagta ku shubo mid ka mid ah bangiyada ku yaalla xarunta laga dukaameysto ee BBS Mall oo ku yaal xaafadda Islii ee ay Soomaalidu degto, sida uu BBC da u sheegay Cumar Xuseen oo ah xoghaya guud ee gudiga ganacsatada Islii oo BBC da la hadlay.

Laamaha ammaanka ee Kenya wali si rasmi ah uguma hadlin dhacdadan iyo tuhmaneyaasha loo qabtay kiiskii Aadan ee maydadkooda la helay.

Waa sidee xaaladda Aadan oo wali la dabiibayo?

Dr. Khaliif Cabdifitaax Maxamed oo ka mid ahaa dhaqaatiirtii qaliinka ku samaysay ganacsade Aadan ayaa BBCda u sheegay in xaalada dhaawaciisu uu soo kabasho ku jiro walow dhaawac daran ay gaarsiiyeen xabadihii ay ragga hubaysan ku dhufteen.

Wuxuu sheegay in rasaastu ka haleeshay qaybta midig ee garabkiisa ayna ka baxday qabta bixid ee isla garabka iyadoo waxyeelo gaarsiisay lafdhabarta.

“Waxay gaysatay dhaawac sababay in uu baralays noqdo, ayadoo xabbadu lafdhabarta ay wax gaarsiisay, ka dibna qaybta hoose ee lugaha jirkiisa uu dareenku ka tagay, laakiin qalliin dheer ka dib hadda waa soo kabanayaa walow wali lugiisu ay daciif yihiin” ayuu BBCda u sheegay dhakhtar Khaliif.

Dhaqtar Khaliif, wuxuu sheegay in hadda uu ku jiro Aadan, xaalad uu soo raysanayo, muddo kooban ka dibna uu ka bixi doono isbitaalka uu ku jiro.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa sii kordhinaysa walaaca isa soo taraya ee dadweynuhu qabaan, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dambiyada la xiriira mootooyinka.

Dhacdooyinka dhaca iyo rabshadaha ay ku lug leeyihiin wadayaasha mootooyinka ayaa ahaa mid ay muddaba ka cabanayeen dadka ku nool xaafadda.

Iyadoo weli ay socdaan baaritaano ku aadan falka toogashada ah ayaa dadka deegaanka loogu baaqay in ay feejignaan muujiyaan, isla markaana ay ku soo wargeliyaan maamulka wixii ay ka shakiyaan.

Xaafadda islii oo ay u soo dukaameysi tagaan kumanaan dad ah ayaa hadda isu diyaarinaysa in ay marti geliso dadka u soo adeeg doonanaya munaasabadda ciidda.

Taas awgeed guddiga ganacsatada ayaa sheegay in ay laamaha amaanka ka codsadeen in xaafadda la keeno ciidammo dheeraad ah oo amniga suga inta lagu guda jiro maalmaha ciidda ee aadka loo adeeganayo.

Dhawaan ayaa xaafadda laga furay suuq dukaameed weyn, kaas oo ah midka uu ka soo baxay Aadan ka hor inta aan lacagta laga dhicin oo aan xabbadda lagu dhufan.

Waxaa xusid mudan in goobta lagu toogtay Aadan ay qiyaastii laba boqol oo mitir oo kaliya u jirto saldhigga booliska ee xaafadda oo saaran suuqa dukaameysiga BBS Mall, sida uu BBC da u sheegay Cumar.

Si kastaba ha ahaatee xaafadda Islii ayaa amnigeeda aad loo sugaa xilliyada munaasabadaha gaarka ah iyo xilliyada dibadbaxyada maadaama ay taallo hanti badan oo laga cabsi qabo in la dhaco ama la boobo.

Ad
Previous articleMuxuu Madaxweyne Xasan kala hadlay Ruto iyo Sheekh Shariif?
Next articleDil aad looga Naxay oo Saakay Ka Dhacay Deeganada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here