Home Wararka Maanta Faahfaahin Cali-ciid Maxamuud oo lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Faahfaahin Cali-ciid Maxamuud oo lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

0

Warar dheeraad ah ayaa Kasoo Baxaaya Dil Magaalada Gaalkacyo loogu gaystay Cali-ciid Maxamuud Cali-ciid Cali Ciid ayaa La Dilay Xalay Afurkii Kadib.

Cali-ciid wuxuu ka mid ahaa ardaydii sannadkan ka qalinjabisay Jaamacadda,gaar ahaan Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Culuumta Bulshada, wuxuu ahaa arday hoggaamin iyo firfircooni lagu yaqaaanay, Rabbi ha u naxariisto, qoyska, ehelada iyo asxaabta na samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Cali-ciid wuxuu ka mid ahaa ardaydii sannadkan ka qalinjabisay Jaamacadda Eeast Africa Faraceed Gaalkacyo ,gaar ahaan Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Culuumta Bulshada, wuxuu ahaa arday hoggaamin iyo firfircooni lagu yaqaaanay Sida laga Soo Xigtay Jamacadii uu ka Baxay.

Wiilka la dilay ayaa dhawaan mehersaday Gabar uu jeclaa, isaga oo ku jiray qabanqaabada arooskiisa.

Wararka Qaar ayaa Sheegaaya in Caliciid loo dilay Aano Qabiil Taas oo Loogaysnaayay Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee ku nool Magalaada Gaalkacyo.

Dhawaan ayay ahayd Markii Gudaha Magaalada Gaalkacyo Lagu Dhex dilay Dhaqtar ka Shaqaynaayay Hospitaal ku yaal Magaalada Gaalkacyo kaas oo ay Duubtay Camerada Qarsoon Qaabka layaab ka lahaa ee loo Dilay.

Sidoo kale Ganacsade ayaa Inta Lagala Soo Baxay Goobtisa Ganacsiga Lagu Dilay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo Maamulka Puntland ayaana Ku Guul Daraysatay Xakamaynta Dilalkaan Kusoo Laalaabtay Magaalada Gaalkacyo.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Ku Dhawaad 80 Alshabaab ah oo La Dilay
Next articleAgaasimayaal Musuq lagu eedeeyey oo ka Baxsaday Muqdisho oo Dambi Lagu waayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here