Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Kusoo Laabtay Degmooyin laga Saaray ee Ka Tirsan Shabeelada Dhexe...

Alshabaab oo Kusoo Laabtay Degmooyin laga Saaray ee Ka Tirsan Shabeelada Dhexe iyo Cabsi laso Daristay Shacab ku Dhaqan Aagaas

0

baqdin ah ayaa la soo sheegaya in ay la soo deristay shacabka ku dhaqan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al-Shabaab lagu arkay deegaano hoos yimaada degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab lagu arkay duleedka degmadaasi, gaar ahaan deegaanada ku teedsan Webiga Shabelle.

Imaanshaha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay jawaab u tahay, kadib markii ganacsatada Degmada Mahadaay ay iska diideen dhaqaalihii ay maleeshiyadaasi siin jireen.

Iyadoo loo hoggaansamayo awaamiirta ay Dowladda Federaalka ka soo saartay inaanan lala macaamili karin Al-Shabaab, dhaqaalana aan la siin karin ayay ganacdato badan oo dalka sugan bilaabeen in ay joojiyaan lacagihii ay siin jireen maleeshiyadaasi.

Sidoo kale dib ugu soo laabashada mintidiinta ee deegaanadaasi ayaa imaanaysa, xilli ay istaageen hawlgaladii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay maleeshiyadaasi kaga sifeynayeen dhulka hawdka ee Degmada Mahadaay.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dadka reer Mahadaay ay xilligan ka baqdin qabaan in maleeshiyada Shabaabka ay soo weeraraan degmada, inkastoo ay degmadaasi ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

Ad
Previous articleJeneraal Burhaan oo wacad ku maray in uusan la fadhiisan doonin Jeneraal Xamdaan
Next articleCiidmada Ukrain oo Duqayn ku Burburiyay Kaydkii Shidaalka ee Ruushka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here