Home Wararka Maanta Wafdi kasocday Qaramada Midoobay oo Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo iyo Sababta oo...

Wafdi kasocday Qaramada Midoobay oo Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo iyo Sababta oo la Ogaaday(Sawiro)

0

Saraakiil ka socatay hay’addaha QM ee doorka ku lahaa dhismaha golaha deegaanka dagmada galkacyo ee Galmudug iyo mashaariicda horumarineed ee ka qabsoomay galkacyo mudadii labada sano aheyd ee uu dhisnaa golaha deegaanka dagmada ayaa maanta soo gaaray magaalada Galkacyo

Saraakiishaan oo sida ay sheegeen ujeedada imaanshahoodu uu ahaa mid la xariira u kuurgalida waxyaabihii u qabsoomay maamulka dagmada tan iyo wixii ka danbeeyay dhismihii golaha deegaanka ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta dowlada hoose ee dagmada xubnaha golaha deegaanka dagmada iyo dhamaan shaqaalaha maamulka dagmada

Kulanka ayaa ugu horeyn maamulka dagmadu waxay ka warbixiyeen waxyaabihii u qabsoomay iyadoo ay soo bandhigeen muuqaalo muujinay shaqada adag ee dhinac walba leh oo maamulku qabtay kuwaas oo ahaa inta badan kuwa si isku tashi ah looga hirgaliyay Galkacyo isla markaana ah kuwa cadeymo u ah in maamulka dagmada galkacyo oo kaashanaya shacabku ay guulo lagu faani karo ka gaareen in ay iyagu wax qabsadeen

Intaasi kadib saraakiishii ka socatay hay’addaha QM iyo wasaarada arimaha dibada dowlada Finland ayaa kulan ka hadlay iyagoona bogaadiyay waxyaabaha ka qabsoomay magaalada galkacyo oo ay hormuudka u yihiin golihii deegaanka dagmada oo ay doorka ugu weyn dhismahiisa iyagu ka qaateen

Saraakiisha ka socatay Hay’adda FCA iyo wasaarada arimaha dibada Finland ayaa sidoo kale sheegay in ay wax badan kala shaqeeyaan maamulka ayna sii wadayaan mashaariicda horumarineed iyagoo kaashanaya sida ay xuseen wasaarada arimaha dibada soomaaliya iyo wasaaradaha kale ee ka masuulka ah shaqada ay ka qabanayaan dalka guud ahaan

Ugu danbeyn waxa ay u mahad celiyeen hogaanka maamulka dagmada Galkacyo iyo dhamaan golaha deegaanka dagmada Galkacyo oo ay ku tilmaameen in dhamaan maamulada dagmooyinka dalka ay tusaale u noqan karaan.

Ad
Previous articleQarax Saddexaad oo xoog badan oo goordhaw ka dhacay magaalada Baledweyne
Next articleDowlada UK oo ku Dhawaaqday Go’anka Cusub ee Canshuur Dhimista Dadka Dakhligooda Sareeyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here