Home Wararka Somaliya Galmudug Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Gobolka mudug ku dhexmaray Ciidanka Galmudug iyo Shabaab

Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Gobolka mudug ku dhexmaray Ciidanka Galmudug iyo Shabaab

0

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa Howlgal Qorsheysan oo Xalay ay ka fuliyeen Boholaha Godyaanyo oo ka tirsan Deegaanka Qararow Ee Koonfurta Gobolka mudug waxay ku Burburiyeen Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo Maleeshiyaadka Alshabaab doonayeen iney ku dhibaateeyaan bulshada Deegaanka.

Saraakiisha Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka Qararow ayaa  u xaqiijiyay mudug24 inay Howlgalkaan Xalay Saqdi dhexe uu dhacay waxay Intaasi ku dareen In Maleeahiyaadkii damacsanaa dhagarta lagu dilay Hawlgalkaas.

Wararka aya intaasi ku daraya in shabab ay xarardheere ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan , iyagoo qirsheynaya in weeraro toos ah iyo kuwa gaadmo ah ay ka geystan deganada Galmudug

Lamaha  amaanka oo saaka lala xiriiray  aya ka gaabsaday qasaaraha labada dhinac in ay faah faahiyaan

Sikasta ha ahaatee arintan aya salka ku hysa arimo culus , waxaana hada ay shabab soo bandhigayaan awooda ay ku leeyihiin gobalka mudug halka madaxda maamulka galmudug ay wali indhaha ka xiranayaan wax ka socda gobalka mudug

Ad
Previous articleRuushka oo Taliye Cusub U soo Magacaabay Dagaalka Ukrain kadib Markii Ladilay Taliyihii Hore
Next articleXildhibaano caan ah oo Maantay qaatay Shahadada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here