Home Wararka Maanta Axmed Xasan iyo Aadan Maxamed oo Qaab layaab leh Alshabaab ula Shaqaynaayay...

Axmed Xasan iyo Aadan Maxamed oo Qaab layaab leh Alshabaab ula Shaqaynaayay oo Xukuno Adag lagu Riday

0

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday laba wiil dhalinyaro ah oo lagu helay inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo maxkamadeyntooda soo socotay muddo fog.

Labada eedeysaney ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye, waxayna ahaayeen saaxibo, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Baariyow ayay maxkamaddu sheegtay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 10 sanno ah, uuna ku biiray 2012-kii, kadibna uu sii tashkiiliyay saaxibkiis Qoslaaye oo isna Al-Shabaab kamid noqday sanadkii 2020-kii, waxana kadib iskala howlgaleen magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in labadooda ay ahaayeen saaxibo isku bartay istcimaalka maandooriyah loo yaqaan Xashiishka oo ay wada isticmaalayeen.

Sidoo kale maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Xasan iyo Aadan Maxamed ay ahaayeen jawaasiis soo hubiyo howlaha la fulinayo ee dilalka iyo weerarada ka dhaca magaalada caasimada ah ee Muqdisho ilaa deegaanka Ceelasha Biyaha.

Maxkamadda Ciidamadada oo labadaan nin kiiskooda u fariistay ayaa waxay ku kala xukuntay xukunno kal duwaan, Axmed Xasan Baariyow ayaa maxkamada ku ridday 15 sano xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed  ay ku xukuntay 5 sano oo xabsi Ciidan ah.

Sidaan oo kale ayaa dhowr jeer oo hore Maxkamadda Ciidamadu xukuno adag ugu ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa kordhisay xukunada ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama dalka uu ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda, isla-markaana ay gacanta soo galeen xubno badan, halka kuwa kalena ay isa soo dhiibeen.
Ad
Previous articleciidamada difaaca ee Dalka kenya oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya
Next articleGolaha wasiirada Soomaaliya oo yeeshay kulan Xasaasi ah oo looga hadlay arrimo xasaasi ah laguna ansixiyay heshiisyo cusub oo ay soo gashay dowladdu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here