Home Wararka Somaliya Puntland oo Maamulo Daciif ah ku tilmaamay Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed

Puntland oo Maamulo Daciif ah ku tilmaamay Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed

0

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo dad odiyaal iyo siyaayiin kala hadlayay marxladda dalka iyo khilaafka doorashada ayaa shaaciyay arrimaha dhowr ah.

Wasiirka waxa uu sheegay in Dolwadda Federalka ay isku dayday iney ku dhex milanto maamulka Puntland balse ay u suurta gali weyday isaga oo xusay in Puntland ay isku dhuubantahay oo aysan lamid aheyn maamulada kale ee dalka.

Waxa uu sheegay wasiir Xaamud in xiligan ay lamid noqon lahaayeen Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug oo kale, balse hadda ay ku nool yihiin si sumcad leh, waxa uu tilmaamay halka Deni ka daganyahay Xalane iney lamid tahay Villa Soomaaliya oo madax cadaan iyo Soomaali ah ku qulqulayaan hoyga madaxweyne Saciid Deni.

“ Labadii Sano iyo dhowrkan Bilood ee Saciid Deni madaxweynaha ka yahay Puntland habeen iyo maalin madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa kama nasan sidii ay puntland ku burburrin lahaayeen, arrintaas waxaan kaga hor tagnay isku duubni” Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Puntland

Ad
Previous articleSawiro: Magaalada Cadaado ee Galmudug oo laga dhisay Mid kamid ah Masaajida ugu weyn Dalka
Next articleSAWIRO Qarax Ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino Laga Helayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here