Home Wararka Somaliya Boliiska Soomaaliya oo sheegay in la fashiliyay Qarax ka dhacay Muqdisho.

Boliiska Soomaaliya oo sheegay in la fashiliyay Qarax ka dhacay Muqdisho.

0

Boliiska soomaaliya ayaa war ka soo saaray Qarax Maanta ka dhacay saldhiga Boliiska Xamarweyne waxa ayna sheegeen in la fashiliyay.

 

Qoraal ka soobaxay Boliiska ayaa uqornaa sidaan.

Saaka abaare 11:25 AM, ayeey Ciidabka Boliisku ka war heleen, qof isku soo xiray walxaha Qarxa, si uu isugu miidaamiyo Ummadda, Ciidanka ayaa ka hor tagay oo fashiliyay.

Ismiidaamiyaha ayaa isku dayay inuu baxsado, isaga oo jaakadii Qaraxa aheyd ku tuuray Ciidanka, sidaas ayuu qaraxu ku dhacay.

Waxaa dhaawac fudud ka soo gaaray 1 xubin oo ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Ilaahay mahadi eedeysaha gacanta ayaa lagu hayaa, waxaana socota baaristiisa, si cadaalada loo waafajiyo.

Ummadda Soomaaliyeed, waxaan uga digaynaa, in ay ka feejignaadaan kutiri-kuteenka ay argagixisadu ku dhex marsaneyso.

Ad
Previous articleWakiilka QM oo kismaayo ku wajahan
Next articleGalmudug iyo MSF oo heshiis iskaashi kuwada saxiixday Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here