Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shirka golaha amniga qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shirka golaha amniga qaranka

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay guddoomiyay shirka golaha amniga qaranka, kaas oo ay goobjoog ahaayeen ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiisha amniga dalka.

Intiisa badan waxaa shirka looga hadlay saddex arrimo oo waa wayn, kuwaas oo kala ah dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga  marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin guud ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo taliyeyaasha ka qaybgalay shirka oo faahfaahiyay xaaladda guud iyo dagaalka Shabaab.

Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa sidoo kale  ku adkeeyay hay’adaha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ay soo iibsaneyso Soomaaliya maadaama mar dhow laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee horay u saarnayd.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.

Shirka ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi, isla markaana ay weli socdaan howlgallo culus oo dalka laga xoreynayo kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo ka mid ah dalka.

Waxaa sidoo kale taagan xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ee ay dhowaan wada gaareen maamulka Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda dhexe.

Ad
Previous articleAlshabaab oo laga Cabsi Qabo inay La wareegaan Degmadaan oo Ay ka abaxayaan Ciidamada ATMIS
Next articleShiinaha oo Dhul laga siiyay Muqdisho Muxuu ku Qaban Doonaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here