Home Wararka Maanta NISA oo Dhac iyo Jirdil Ugaystay Wariye Katirsanaa Ciidanka Xooga Dalka oo...

NISA oo Dhac iyo Jirdil Ugaystay Wariye Katirsanaa Ciidanka Xooga Dalka oo Dagaaladii Galmudug Qayb Wayn kasoo Qaatay

0

Cabdullaahi Warsame Rooble oo ah Suxufi ka tirsan warbaahinta dowladda, oo muddooyinkii dambena ka soo warami jiray furimaha hore ee dagaalka ayaa shaaciyay tacadi ay ciidanka NISA kula kaceen.

Cabdullaahi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in xalay ciidan ka tirsan NISA, gaar ahaan kuwa dharcad ay jirdil ba’an u geysteen, xilli uu marayay jidka Maka Al-Mukarama.

Suxufiga ayaa sheegay in dharcadka jirdishay ay u sheegeen in ay muddo ku daba jireen, sida muuqatana ay ahaayeen kuwo ku socday xog ogaalnimo badan, sida uu sheegay Suxufiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dharcadka NISA ee jirdilka u geystay ay ka qaateen laba telefoon oo uu watay, islamarkaan ay qasab uga qorten fura-sireedyada (Passwords) walba oo lagu furo Applications-ka ku jira mobile-kiisa, sida uu sheegay.

Dhacdadan ayaa dhacdey xilli ay hoteelka SYL ku jireen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayna ka dhex dagaalamayeen, islamarkaana ay xaalad amni oo halis ah ka jirtay gudaha magaalada Muqdisho.

Hoos ka aqriso qoraalka

Xalay abbaare 3:30 aniga oo ka suxuurtay maqaayad ku taalla jidka Maka-Almukarama kuna socda xaafaddeyda ayaa waxaa i qabtay 4 nin oo dharcad nabad sugid ah.

Waxay ii geysteen jirdil, iyagoo qaatay laba taleefan oo aan lahaa, isla markaana iga qortay Password walba oo lagu furo Applications-ka ku jira mobilkeyga.

Waxay ii sheegeen in ay maalmahanba i daba socdeen oo la iisoo diray. Sida ka muuqata warkoodana waxey ahaayeen rag ku socday xog ogaalnimo badan.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa muqaal aan arrinkaas ku faah-faahinayo.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Deg deg Ku Gaaray Xarunta NISA kadib Qarixii Hotel SYL
Next articleCiidamada Galmudug oo Weerar Qorshaysan Ku dilay Madaxii Jabhadaha Alshabaab ee Mudug iyo Galguduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here