Home Wararka Maanta Faahin Dheeri ah oo laga Helay Qarixii ka Dhex dhacay Guriga Taliye...

Faahin Dheeri ah oo laga Helay Qarixii ka Dhex dhacay Guriga Taliye Qoslaaye iyo Kahaasaraha Ka Dhashay oo kordhay

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay  ka dhex dhacay guri ku yaalla xaafadda Shiirkoole oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Guriga la qarxiyay ayaa waxaa degan taliyihii hore ee saldhigga Booliska degmada Hodan, Cabdifitaax Qoslaaye, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warrramayaa in lagu xiray qayb kamid ah guriga isla-markaana la qarxiyay, xilli ay ku sugnaayeen taliyaha iyo ilaaladiisa.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan afar askari, halka ay ku dhaawacmeen askar kale oo kamid ahaa ilaalada taliyaha la weeraray.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in taliye Cabdifutaax Qoslaaye uu ka bad-baaday weerarkan, balse waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar kamid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray dhismaha guriga, maadaaama qaraxa uu sameeyay qaraxa oo ahaa mid xoogan.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda waxa hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Qoslaaye oo ah sarkaal dhalinyaro ah ayaa xilkiisii ku waayay dil ay askartiisa u geysteen ganacsade ku sugnaa agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho,

S kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii dambe xaaladda ammaan ee Muqdisho ay tahay mid deggan, marka loo eego falalkii hore ee ka dhici jiray caasimada.

Ad
Previous articleShan Dowladood oo ka shiray Xaalada Soomaaliya oo War Wadajir ah soo saaray
Next articleAjaanib laga Soo Qabtay Hobyo Oo Xukun adag Muqdisho lagula Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here