Home Wararka Maanta Guddiga madaxa-banaan ee hirgalinta dastuurka oo si rasmi ah u bilaabay ka...

Guddiga madaxa-banaan ee hirgalinta dastuurka oo si rasmi ah u bilaabay ka doodista heshiisyaddii golaha wadatashiga qaran

0

Guddiga madaxa-banaan ee hirgalinta dastuurka ayaa si rasmi ah u bilaabay ka doodista heshiisyaddii golaha wadatashiga qaranka, gaar ahaan kii u dambeeyay ee wax ka beddelka loogu sameeyay hanaanka dowliga ah iyo doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegsita iyo hirgelinta dastuurka Burhaan Adaan Cumar oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga Maxamed Ganey ayaa shir guddoomiyay kulanka oo diirada lagu saarayay sidii luuqad dastuuriya loogu badeli lahaa heshiisyadaasi.

Guddiga ayaa 26-kii bishii Luulyo la wareegay hashiisyaddii ay gaareen golaha wadatashigaqaran, iyaga oo kala wareegay guddiga dastuurka baarlamaanka JFS.

Xubnaha guddiga oo ahmiyadda koowaad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka dastuurka kumeel-gaarka ah ayaa maal-mahaan waday ka shaqayntiisa.

Guddiga ayaa si gaar ah u dul istaagay wax ka beddelka cutubyadda 1-aad ilaa 4-aad ee dastuurka kumeel-gaarka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana cutubyada hore ee dastuurka loo horgeyn lahaa laanta sharci dajinta dalka si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa dhawaan isku raacay in lagu wareejiyo guddiga dib-u-eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, kadibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi.

Sidoo kale, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo aan qayb ka aheyn heshiiska ayaa hortimid, waxayna taas sii xoojisay walaaca laga muujiyay go’aanka golaha wadatashiga qaranka oo ay taageero u raadineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada oo hormuud u ah dadaalladaas ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kusoo gaba-gabeysay shir wadatashi ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ay ka qayb-galeen inta badan madaxdii hore ee dalka.

Shirkaas ayaa waxaa lagu gorfeeyay xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale heshiiska golaha wadatashiga oo qeexaya nooc doorasho iyo nidaam cusub oo dalka laga hirgelinayo.

Si kastaba, baarlamaanka Soomaaliya ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee heshiiskan oo meel-marin doono ama iska diidi doono, maadaama hadda uu bilowday qorshihii ugu dambeeyay ee lagu horgeynayo, waxaana xusid mudan in golaha shacabka uu todobaadkii hore uu boorka iska jafay, kadib markii uu ka hortay isku day uga yimid xukuumadda.

Ad
Previous articleDiyaarad Siday Xildhibaano Ka Tirssan Baarlamaanka Soomaaliya oo la Rasaaseeyey Xilinay Dagi rabtay
Next articleXabad joojintii Garowe oo Gabi ahaanba Burburtay iyo Dagaal laga Cabsi Qabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here