Home Wararka Maanta Juuni oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxay

Juuni oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxay

0

Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay fal dil ah oo loo geystay nin shacab ah oo ka tirsanaa dadka degaanka.

Dilka ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn xarunta maamulka degmada H/wadaag ayaa waxaa loo geystay nin oday ah oo magaciisa lagu soo koobay Juuni.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney fuliyeen dilkaas kuwaasoo goobta ka baxsaday sida laga soo xigtay goob joogayaal ka tirsan dadka degaanka.

Weli ma cadda sababta loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysay toonam mana jiro wax war ah oo ay dilkiisa ka soo saareen Maamulka degmada iyo laamaha amniga.

Waa dilkii 2aad inta la ogyahay ee ka dhaca Magaalada Muqdisho 24 saac gudahood, xalay ayeyna aheyd markii sidan oo kale dabley hubeysan ay degmada Kaxda ku dileen Badal Jaamac Xirsi oo ka tirsanaa abwaanada Soomaaliyeed ee caanka ah.

Ad
Previous articleQoor Qor oo Si aan caadi ahayn loogu Soo Dhaweeyey Muqdisho(Sawiro)
Next articleDiiwaangalinta Musharixiinta Utartamaysa Gudoomiyayaasha Labada aqal oo Bilaabatay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here