Home Wararka Maanta Hey’adda ICG oo ku Baaqday in wada hadal lala galo kooxda Al-Shabaab

Hey’adda ICG oo ku Baaqday in wada hadal lala galo kooxda Al-Shabaab

0

Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha caalamka ee ICG ayaa soo jeedisay in dowladda Soomaaliya ay wadaxaajood la gasho kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah wadamada geeska Africa.

Hay’addan oo ka faaloota xasaradaha dunida ayaa soo jeedisay in wadahadal lagu dayo ururka Al-Shabaab maadaama dagaal looga adkaan waayey muddo 15 sano ah/

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayey kaga deyrisay dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya oo garab ka heleyso ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo Al-Shabaab.

Al-shabab ayaa weeraro dad badan ay ku dhintaan ka fulisa gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda, waxayna si cad u diidan tahay jiritaanka Dowladda Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan wareysi bixiyey ayaa sheegay inaysan wax wada-hadal ah la galeyn dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inaysan u aqoonsaneyn dowlad.
Saarkaalkaas ayaa sheegay inay qorsheenayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Soomaaliya. Dowladdii hore ee uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inay qorsheeneysay inay wada-hadal la furto kooxda Al-Shabaab inkastoo aan arrintaas caddeyn rasmi ah loo heyn.
Kooxda Al-Shabaab ayaa gacanta ku heyso magaalooyin ku yaalo Soomaaliya, waxaana ka dhinac dagaalamo dagaalyahano ajaanib ah oo gabaad ka dhigtay Soomaaliya.
Ad
Previous articlePuntland oo Xukun adag Ku Riday Rag Ka Tirsana Alshabaab
Next articleWadahadalo laga Dhexbilaabay Muuse Biixi iyo Mucaaradaka Xili Xiisadu Soomaaliland Cirka isku Shareertay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here