Home galmudug Dhagayso Amar la dul dhigay Ciidamada Galmudug Ee Cadaado Ku Sugan.

Dhagayso Amar la dul dhigay Ciidamada Galmudug Ee Cadaado Ku Sugan.

0

Iyadoo ay soo laab laabatay  isku dhaca u dhexeeya Ciidamada maamulka Galmudug ee Degmada cadaado ku sugan ayaa Saraakiisha Ciidamada Booliska Galmudug waxaa ay sheegeen in ay ka hortagayaan Arrintaasi.

Gaanshaale Xuseen Cumar Muumin Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Cadaado ayaa sheegay in aan lagu dhex dagaalami karin Magaalada Cadaado gudahooda islamarkaana Talaabo laga qaadi doono Askartii Falkaasi sameysa.

Sidoo kale Xuseen Cumar waxaa uu ugu baaqay Ciidamada ku sugan degmada cadaado in ay u naxariistaan Shacabka ku nool Degmada cadaado Ee Xarunta KMG u ah Galmudug.

Ciidamada Maamulkaasi oo kala ah Daraawiish iyo Boolis ayaa Shalay ku dagaalamay Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Galmudug.

HALKAAN KA DHAGAYSO CODKA.

riix

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here