Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo ka hadashey Dagaalka ka dhacay Muqdisho

Dowlada Somaliya oo ka hadashey Dagaalka ka dhacay Muqdisho

0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in dhinacyadii Maanta ku dagaalamay magaalada Muqdisho ay ahaayeen laba maleeshiyo beeleed oo isku qabsaday dhul ku yaal agagaarka Isgoyska Banaadir.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Goobta lagu dagaalamay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ku baxeen dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena dhulka lagu dagaalamay ay dacwadiisa taallo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay Ciidamada Booliska gacanta ku hayaan dhulkii lagu dagaalamay, si loo sugo amniga dadweynaha iyo goobaha Ganacsiga.

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed faah faahin rasmi ah kama bixin khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay dagaalka, waxaana dib u billowday isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Ad
Previous articleDagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Khasaaro ka dhashay
Next articleDeg Deg Farmaajo oo Sheegay inuu Hakiyay Awoodii R/W Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here