Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Booqday Ciidamadii Xalay laga Soo Celiyay Dalka Eriteeriya...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Booqday Ciidamadii Xalay laga Soo Celiyay Dalka Eriteeriya Balanqaadna Usameeyey(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray xarunta ciidamada cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ka socoto dib u soo celinta ciidamadeenna tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay.

Waxa uu la wadaagay ciidanka rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo ku bogaadiyey taliska ciidamada xoogga dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta ciidamada xoogga dalka.

Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban dhulka, cirka iyo badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Eritrea iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray.

Ciidamadan ayaa soo dhammeystirtay tababarkooda, si deg-deg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba.

Cutubyadan soo noqoshadooda uu la kulmay madaxweynuhu ayaa dhankooda soo bandhigay tayada iyo tababarka adag ee ay soo qaateen, intii ay ku sugnaayeen dalka Eritrea.

Sidoo kale waxay muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyey xarummihii ciidan ee ay lahaayeen, saaxiibadii ka soo horeeyey ee dalka soo gaarnay ay ka soo laabteen fasaxyadii, haatanna ay u diyaarsan yihiin gulufkii xoreynta dalka.

Ad
Previous articleGaas oo Digniin kasoo Saaray Xaalada ay lu Sugantahay Puntland
Next articleDowlada Spain oo ku baaqday in Raisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Maxkamada Caalamiga ah lasoo Taago

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here