Home galmudug Daawo Sawirada Sadax Beel oo Gaalkacyo Hubkooda iyo Ciidankooda ku Wareejiyay Maanta”

Daawo Sawirada Sadax Beel oo Gaalkacyo Hubkooda iyo Ciidankooda ku Wareejiyay Maanta”

2

Magaalada Gaalkayco Maanta Waxaa ka Dhacday Hub Wareejinta Beelaha Galmudug ee Gaalkacyo ee Haray kuwaasi oo Wareejiyay Hubkooda iyo Ciidankooda Waxana Mudug24 Heshay Beelaha Maanta Hubkooda Wareejiyay oo kala Ah Indho yar Sinole Cabdale oo kamid ah Beelaha Nabada iyo Xasilooda Gobolka Mudug Hormuudka u ah,,

Ciidamanani Oo Gaaray 250 askari islamrkana Horay ay gacanta ugu hayeen qaar ka mid ah Beelaha Gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi ah waxaa loogu wareejiyay Dowlada Galmudug kadib Munaasbad Lagu Qabtay magalada Gaalkacyo.

Munasabada Ciidamadani loogu wareejinayay Dowlada Galmudug ayaa waxaa ka soo qeyb Galay kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug xubna ka tirsan Golaha Wasiirada ,Maamulka Gobolka mudug iyo qaar ka mid ah beelaha maanta hubka wareejiyay .

Qaar ka mid ah beelaha hubka iyo ciidamada ku wareejiyay Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yihiin in ciidamadani ay ka mid noqdaan ciidamada Galmudug.

Kusimaha Madaxweynaha ahan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi xaashi ayaa sheegay in dowladu ay xooga saari doonta sidii xaquuqdoda ay u heli lahayeen,

hub1 hub2 hub3 hub4 hub5 hub6 hub7 hub8 hub9 hub10 hub11 hub12 hub13 hub14 hub15 hub16

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

  1. Masha Allah, Waa Horumar weyn Dadaalka aan kala go’a lahayn ee ka socda DHAMAAN DEGANADDA GAL-MUDUG STATE of Somali.

    Ciidmadda Xoogga gal-mudug waa cududda 1-aad ee loo baahan yahay in lagu xaqiijiyo Amniga & kala dambeynta degaanadda gal-mudug state of Somalia.

    Waan u hambalyeyneynaa dhamaan Masuuliyiinta, Madaxda,shacabka,Aqoonyahanka,dhalinyaradda & Culmadda ka qeyb qaadatey isku dubaridka howshaanadag ee lagu qarameeynaayo Ciidamadda Cusub ee ku soo biirey, Ciidamadda Xoogga Gal-mudug state of Somalia., arintaani waxay tusaale u tahay in kuwa Ciidamadda kale ee harey ay ku soo biiraan…ciidamadda Difaaca gal-mudug state of Somalia, si loo helo maamul wanaagsan oo ka hana qaado Degaanka.

    Waxaan soo jeedin lahaa in :-

    1. Gawariadda cusub ee lagu warjeeiyey maamulka gal-mudug in la buufiyo, oo ay noqdaan gawaari Qaran,lehna astaanta u gaar ah Gal-mudug Military Force.

    2. Ciidanka cusub ee la qarameeyey ama ka mid noqdey Maamulka Gal-mudug state, iney maraan wadadii ay mareen kuwii ka horeyey, ee ah in la siiyo Tababar Ciidan oo ku filan oo ay ku noqdaan ciidamado Qaran. Ciidmadasii oo leh Dishibiliin & Xirfado Shaqo oo ay uGu adeegi karaan kagana howlgali karaan Gal-mudug state of Somalia.

    Dowladda federaalka soomaliya waxaan u soo jeedin lahaa iney ka faa;ideysato fursaddaan oo ay caawiso ka caawiso maamulka gal-mudug state Qalabeynta & howlgelinta ciidamadda difaaca Gal-mudug state of Somalia.

    gal-mudug state waxaan rajeynayaa iney buuxiso kaalinteeda kaga aadan dhanka Amniga Dalka Soomaaliya.
    Ciidamo Qalabaseyna ay uGu adeegto shacabka Dalka Soomalia & sugidda aminga Degaanadda Gal-mudug state of somalia.

    Guul & Horumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here