Home Wararka Somaliya Dhageyso: Axmed Fiqi oo ka hadlay Dagaalka Galmudug ka Socda iyo Xaalada...

Dhageyso: Axmed Fiqi oo ka hadlay Dagaalka Galmudug ka Socda iyo Xaalada Guriceel

0

Wasiirkii hore Ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul ucambaareeyey duulaanka lagu qaaday Guriceel iyo dagaalkii maanta ka dhacay.

Axmed Fiqi ayaa ku eedeeyey dagaalka guriceel iyo dhibaatada ka dhalaneysa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor).

Waxa uu fiqi oo hoosta ka xariiqay in Guriceel aysan xilligaan ubaahneyn dagaal xilli ay dib udhis iyo hormar dhaqaale magaalada ugu dadka badan Galmudug ee guriceel.

Mar kale ayuu soo jeediyey Xildhibaankani katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi in Guriceel nabad ubaahan tahay cid walbo oo taas diidana la iska qabto

Dhawaan ayuu iska casilay Axmed Macalin Fiqi Xilkii Wasiirnimo ee Amniga Galmudug kadib markii uu u adkeysan waayey qaabka loo wajahayo Ahlusunadii qabsatay Guriceel uu diiday fiqi in dagaal looga saaro.

Ad
Previous articleCiidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo la Wareegay Gurceel
Next articleDhageyso: Galmudug oo ka hadashey Dagaalka Guriceel, iyo Cida Gacanta ku heysa Magaalada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here