Home Wararka Maanta Deg Deg : Doorashada Gudoomiye Ku Xigeenkii Kowaad oo lagu kala Baxay

Deg Deg : Doorashada Gudoomiye Ku Xigeenkii Kowaad oo lagu kala Baxay

0

Waxaa lasoo gabagabeeyay doorashadii guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka, waxaana ku guuleysatay Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Natiijada hordhaca ayaa sheegeysa in Xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin Samatar ay guusha doorashada raacday inkastoo weli cododka la tirin.

Labada murashax oo isbaheysiga mucaaradka ay kala taageerayeen ayaa markii danbe xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin Samatar waxay taageero ka heshay Villa Somalia, markii murashaxiintii ay taageerayeen tanaasuleen.

Mas’uul ka tirsan Villa Somalia ayaa caasimada Online u sheegay in Sacdiyo ay taageerayeen saacadihii u danbeeyay, taasoo u sahashay inay kordhaan cododkeeda.

Sacdiyo Yaasiin ayaa waxaa lagu xusuustaa inay caan ku aheyd doodaha baarlamaankii 10- inaad ka dhex muuqato iyadoo fikirkeeda ay ku dhaliili jirtay guddoonkii hore ee baarlamaanka iyo madaxweyne Farmaajo.

Waxaa hadda socda tirinta cododka guddoomiye kuxigeenka labaad oo ay ku tartamayaan Mahad Cabdalla Cawad iyo Cabdullaahi Cumar Abshiroow.

Ad
Previous articleDoorashada Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Shacabka oo billaabatay iyo xubnaha ugu cad-cad
Next articleBaarlamaanka Jarmalka oo ansixiyey in hub culus la siiyo Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here