Home Wararka Maanta Deg Deg: Alshabaab oo Jiha Cusub Ka Weeraray Dowlad Degaanka Soomaalida iyo...

Deg Deg: Alshabaab oo Jiha Cusub Ka Weeraray Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Dagaal Qaraar oo socda

0

Sida ay warar xaqiijinayaan Dagaal u dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Dawlad deegaanka Soomaali Galbeed iyo kooxada Alshabaab ayaa ka bilowday agagaarka deegaanka Laasqurun oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, una jirta Degmada Feer-Feer 20KM.

Ciidamada ayaa 3 jiho ka weeraray goobtan oo ay isku aruursanayeen saacadihii lasoo dhaafay kooxahan Alshabaab oo habeen kahor kasoo gudbay Soohdinta Baladweyne.

Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidamada Soomaaliya iyo Gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa labaduba qiray in 200 Maleeshiyaad katirsan Argagixisada ugudbeen deegaanada Xaduuda.

Isgaarsiinta ayaa labo habeen kahor laga jaray Baladweyne iyo FeerFeer, xiligaas oo ay gudaha magaalada Baladweyne dhexmareen kooxahan oo hubeysan, magaaladan waxaa kusugan 4kun oo Askari kana kala socda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Jabuuti.

Ad
Previous articleMucaaradka Somaliland oo ku Hanjabay tallaabada ay qaadayaan November Kadib Baaqna Diray
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Maanta la Kulmay Qeybta Bulshada (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here