Home wararka Dalka Ciidanka Galmudug oo Wali La Wareegin Ceel-Cabdi”

Ciidanka Galmudug oo Wali La Wareegin Ceel-Cabdi”

0

iyadoo Saaka uu Dagaal ka Qarxay Deegaanka Ceel-Cabdi Ayaa Dagaalka Waxa uu ahaa Mid aad u Xoogan kaasi oo u dhaxeeya Ciidanka Galmudug iyo Shabaab,

ciidanka Galmudug ayaa Saaka Dagaal Xoogan ka soo Qaaday Deegaanka Camaara iyagoo ula Jeedka uu ahaa in ay La Wareegaan Deegaanka Ceel-cabdi kadibna Gacanta Ku Dhigaan Deegaanka Xarardheere oo Mudo Shan sano ay Shabaabka Maamulaan,

Deegaanka Ceel-cabdi Ayaa 45 KM u jirta Deegaanka Xarardheere Hase Yeeshee Shabaabka oo Ogaaday Qorshaha Dowlada Galmudug ayaa Bilaabay in ay iska Caabiyaan Ciidanka Galmudug Taasi oo keentay Dagaal Xoogan uu Mudo Qaatay,

Sida Warar Hoose Ay Tilmaamayaan ciidanka Galmudug Ayaa ka Laabtay Deegaankaasi iyagoo ku Laabtay Deegaanka Camaara Halkaasi oo Dagaalka kasoo Qaadeen,

Ciidanka Galmudug Dhaawacooda Ayaa la Dhigay Magaalada Cadaado ee Xaruunta KMG Galmudug Halka kuwa Shabaabka La Geeyay Degmada Xarardheere Sida mudug24 Heleyso,

Dagaalka Maanta Dhacay Ayaa ahaa Kii ugu Xooganaa isla markana Qaatay Saacado Badan iyadoo Lagu Dagaalamay Goob Banaan oo Duur ah,

Mudug24, Cadaado

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here