Home Wararka Somaliya Galmudug Xildhibaan cabdisamad Oo Xaflad Soo Dhawayn ah loogu Qabtay Galmudug

Xildhibaan cabdisamad Oo Xaflad Soo Dhawayn ah loogu Qabtay Galmudug

0

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo maanta doorasho ka dhacdey Dhuusamareeb loogu doortay matalaada kursiga tirsigiisu yahay Aqalka gollaha Shacabka Hop139, ayaa caawa munaasabad soo dhaweyn iyo hambalyo ah loogu sameeyay isla Caasimada Galmudug oo uu matali doono afarta sano ee soo aadan.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa dhiiri-gelin balaaran caawa ka helay Mas’uuliyiin kala duwan oo munaasabadan joogey .

 

sida Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo hore kursigan ugu fadhiyay, wasiiro, Xildhibaano, Madaxda Maamulka Dhuusamareeb, bahda dhaqanka iyo bulshada kursigan ku abtirsata ee uu Baarlamaanka ku matali doono.

Hadalkiisa gabangabada ayuu Xildhibaan Cabdisamad ku balan qaadey in uu doorkiisa ugu weyn noqon doono dib u heshiisiinta iyo walaaleynta bulshooyinka reer Galmudug.

 

 

isagoo sheegay in uusan Xildhibaan u aheyn qolo ama deegaan gaar ah balse uu matalayo ummada maanta matalaadooda u dooratey.

 

Ad
Previous articleAhlusuna waljamaaca oo ka hadashay Kursiga Xildhibaanimo ee ay Shalay Ku Guulaysteen
Next articleBarlamaanka Turkiga oo Go,aan kasoo Saaray Ciidamada Soomaaliya Turkiga ka Jooga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here