Home Wararka Somaliya Galmudug Siduu uu u dhacay Howlgalkii lagu laayay xubno badan oo katirsan Al...

Siduu uu u dhacay Howlgalkii lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo Ka Dhacay Galmudug iyo Gaadiid laga Qabsaday(Sawirro)

0

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Bulshada Deegaanka, ayaa xalay fuliyay hawlgal Aad u culus aadna loo qorsheeyay kaas oo dhaawac Aad u wayn lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Goobta hawlgalku ka dhacay waa Xeebta u dhaxaysa Hobyo iyo Xarardheere, waxaa lagu magacaabaa Ceel-qaboobe.

Qaybta war-doonka ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa ka war helay in Khawaarijtu ay agab ka kooban walxaha Qarxa ay si dhuumaalaysi ah uga soo degsanayso Xeebta Ceel-qaboobe ee Gobalka Mudug.

Isku duwista xogta ka dib, Ciidamada Qaranku waxa ay qorshaysteen sidii loo diyaarin lahaa hawlgalka lagu fashilinayo cadawga, waxaana la diyaariyay dhamaan talaabooyinka la qaadi lahaa iyo qaabkii uu hawlgalku u dhicilahaa.

Khawaarijta oo aan ku baraarugsanayn in Ciidanku xogtooda hayo ayaa xalay tagay Xeebta, halkaas waxaa timid doon Khawaarijta u wadday waxyaabaha Qarxa oo Aad u culus kuna cabbaysan dhawr boqol oo ah caagadaha waawayn.

Waxeey kusoo rareen gaari wayn oo ah nuuca loo yaqaano BG-ga, gaarigaas waxaa wehliyay gaari kale oo ah Kuwa ay Soomaalidu u taqaano Qooqan, kaas oo ay saarnaayeen Horjoogayaashii Khawaarijta ee shaqadaas mas’uulka uga ahaa,

Ciidamada xooggu waxa ay ku diyaar garoobeen goob ku taalla marinka Khawaarijta halkaas oo ay isugu diyaariyeen fulinta hawlgalka lagu fashilinayo dhagarta cadawga.

Labadii gaari ee Khawaarijta oo sida agabkii Qaraxyada iyo ilaa 60 isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal, ayaa markii ay soo gaareen halkii ay ku diyaar garoobeen Ciidamada Qaranku waxaa ku bilawday hawlgalkii.

Alle mahaddiis, markiiba Ciidamada Qaranku waxa ay qarxiyeen Gaarigii waynaa ee siday Waxyaabaha qarxa waxaana uu sameeyay Qarax aad u xoogan oo laga maqlay dhul balaaran, goobtaas waxaa ay ciidamadu kasoo uruuriyeen Hilbaha Khawaaarijtii saarnayd gaariga oo kontomeeyo ahayd.

Waxaa sidoo kale hawlgalka Ciidamadu kula wareegeen Gaarigii labaad ee Khawaarijtu ay wateen.

Wali waxaa socoto dhamaystirka xogta nuucyada Qaraxyada ee laga fashiliyay Khawaarijta iyo dabagalka danbiilayaashii ku lugta lahaa.

Horay, waxaan u sheegnay in Xarardheere iyo nawaaxigeedu uu Khawaarijta u ahaa meel ay kasoo dajiyaan Qaraxyada iyo Khawaarijta Caalamiga ah, tan ayaana ah marag furka arinkaas.

Khawaarijta halkaas ku halaagsantay, waxaa ku jiray ajaanib Khubaro ku ahaa Waxyaabaha Qarxa iyo Horjoogaaal iyo maleeshiyaad ay muddo u tababarayeen isku dubbarirka Qaraxyada.

Waxaan u mahad celinaynaa allaah oo fashiliyay dhagarta cadawga, waxaan kaloo u mahadcelinaynaa Ciidamada Mujaahidiinta geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka, si gaar ah waxaan ugu mahad celinaa Bulshada Deegaanadaas oo iska diiday in Khawaarijtu ku dhex noolaato ama dhex marto isla markaana wadashaqayn wanaagsan la yeeshay Ciidamada Qaranka.

FG: Sawirradua ku lifaaqan Qormadaan, waa haraadiga Gaarigii BG-ga ahaa ee qarxay iyo Gaarigii labaad ee Khawaarijta ay kala wareegeen Ciidamada Xoogga Dalku.

Waxaan ka cudurdaaranayaa in aynaan idinla wadaagikarin sawirrada maydadka Khawaarijta ee Daadsan goobta hawlgalka, waxaana socota asturidda maydadkaas oo ay aasayaan Ciidamada Qaranku.

Ad
Previous articleAskari toogasho ku dilay Wasiir uu ilaalo u ahaa iyo Faah faahino kasoo baxaya
Next articleHay’adda Duulista Rayidka oo Digniin adag u dirtay Shirkadaha Diyaaradaha ee dalka ka howlgala kadib Fadeexadii Shalay Ka Dhacday Garoonka aadan cadde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here