Home wararka Dalka Daawo Sawirada Qaraxyo Xoogan oo Baydhabo Ruxay iyo Qasaaraha ka Dhashay’

Daawo Sawirada Qaraxyo Xoogan oo Baydhabo Ruxay iyo Qasaaraha ka Dhashay’

0

Inkabada 20-qof ayaa ku dhimatay Qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunka Maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka ku dhaawacmay Qaraxyada ayaa waxaa la dhigay Isbitaalada magaalada, iyadoo sidoo kalane kuwa daran la geeyay isbitaalada Ciidamada Amisom, waxaana xusid mudan in dadka la geeyay Isbitaalka Baydhabo qaarkood loo waayay sariir la seexiyo maadama Isbitaalka dhaawacyo badan la geeyay.

Dadka ku dhintay ayaa u badnaa dad shacab ah, waxaana sidoo kale ku jiray masuuliyiin iyo saraakiil katirsanaa Maamulka Koomfur Galbeed Soomaaliya oo ku sugnaa halka ay qaraxyadu ka dhaceen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadan gabaldhicii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo , waxa ay Kooxda sheegatay in weerarkaasi ku dileen Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya.

baaay1 baaay2 baaay3 baaay4 baaay5 dha_1 dha_2 dha_3 oshaco1

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here