Home Wararka Maanta Gantaallo laga soo riday Turkiga oo ku dhacey dalka Ciraaq iyo Dhimasho...

Gantaallo laga soo riday Turkiga oo ku dhacey dalka Ciraaq iyo Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay

0

Telefishinka dowladda Ciraaq, ayaa sheegay in siddeed qof oo ay ku jiraan labo carruur ah ay ku dhinteen, 23- kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii Turkigu ay ku garaaceen madaafiic gobolka Zaho ee waqooyiga dalkaas.

Mushir Bashir oo ah mas’uul katirsan gobolka, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen “dalxiisayaal ka yimid bartamaha iyo koonfurta dalkani.

Mushir Bashir ayaa sheegay in tuuladooda in laba jeer ay kusoo dhaceen madaafiic.

“Madaafiicda Turkiga ayaa sideed qof ku dilay, 23 kalana way ku dhaawacmeen deegaan loo dalxiis tago ee Parakh,” sida uu sheegay Bashir.

Sarkaal katirsan ismaamulka Kurdida, ayaa sidoo kale sheegay in shan qof ay ku dhinteen dabka. Bashir waxa uu intaa ku darey in dalxiisayaashu ay u yimaadeen tuulada buuraleyda ah ee Parakh, si ay uga badbaadaan kuleylka ba’an ee ka jira koonfurta dalka Ciraaq.

Amiir Cali oo ka tirsan saraakiisha caafimaadka, ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan saddex rag ah, iyo saddex dumar ah iyo sidoo kale labo carruur ah.

Ilo wareed katirsan wasaaradda difaaca qaranka Turkiga oo la hadlay AFP, ayaa sheegay inuusan waxba kala soconin madaafiicda lagu garaacay goobta.

Turkigu ayaa tan iyo bishii April waday hawlgalka Claw-Lock, ee ka dhanka ah xubnaha PKK ee waqooyiga Ciraaq.

Ad
Previous articleNin u dhashay Israa’iil ayaa dhuumasho ku galay Maka. Kaddib maxaa dhacay?
Next articleDalkii ugu horreeyey oo Muujiyay inuu Taageerayo dadaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Wado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here