Home Wararka Maanta Alshabaab iyo Koox ajaanib ah oo la Shaqaynaysay oo duqayn Culus lala...

Alshabaab iyo Koox ajaanib ah oo la Shaqaynaysay oo duqayn Culus lala Beegsaday

0

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay xalay diyaarado dagaal ka gaysteen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo xarumo ku yaalla gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay magaalooyinka Bu’aale iyo Saakow oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lala eegtay saraakiil ajaaniib ah oo ka barbar dagaalameysa kooxda, kuwaas oo xogtooda la helay, kadibna la beegsaday.

Sidoo kale waxaa duqeynta lagu halakeeyay xarumo kale oo ku yaalla magaalooyinkaasi, isla markaana ay ku jiraan meelo ay qaraxyada ku kaydsadaan xubnaha Al-Shabaab.

Waxaa aad u adag in la helo khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah, maadaama aan xog badan laga heli karin dhulka Al-Shabaab oo ay cabsi badan ka qabaan shacabka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo dalalka kale ee ka taageera howlgallada dhanka cirka ah ee Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii  diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn gantaallo ku garaacday guri ku yaalla degmada Jilib, ayna ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Shabaab.

Si kastana, muddooyinkii dambe ciidamada huwanta oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Ad
Previous articleDhacdo ‘layaab leh’ oo sababtay in qabriga laga soo saaro nin isbuuc aasnaa
Next articleDagaal Beleed Markale Ka Qarxay Gobalka Shabeelada Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here