Home Wararka Maanta Faahfaahino dheeraad ah oo laga helayo dhacdo xanuun badan oo maanta ka...

Faahfaahino dheeraad ah oo laga helayo dhacdo xanuun badan oo maanta ka dhacday degmada Kaaraan

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo maanta ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo sababtay dhimasho iyo burbur soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Dhacdadan ayaa timid, kadib markii uu soo dumay dhisme dabaq ah oo laga dhisayay agagaarka isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye oo ka badbaaday dhacdadaas ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in dhibaatada ay dhacday kadib salaaddii subax ee saaka.

Waxa uu tilmaamay in dhismaha soo dumay ay dhabarkiisa dambe daganaayeen, isla markaana uu kusoo kordhacay, iyaga oo hurdo, qaarna ay jireen salaaddii subax.

“Degmada Kaaraan, qaybta u dhow Sanco waxaa saaka ka dhacay guri la wareejiyay darbigiisa 50 sanno ku dhawaad wareegsanaa ay guryo ka dhisanaayeen cid meeshaana markaas ayaa waxa ay sameeyeen carro buuxis annaga salka dambe ayaan ka saarnayn Ilaahey amarkiis annaga oo hurdeyno ayaa nagu soo kor dumay saaladdii subax kadib” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo ka bad-baaday dhacdadaasi.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay inay dhinteen saddex gabdhood oo daris la’ahaa, kadib markii uu kusoo dul dhacday dhismaha soo dumay, isaguna ka burbureen laba qol.

“Cida nagu dhaganeyd saddex gabdhood ayaa ku dhimatay, annagana laba qol ayaa naga duntay, laakiin waxba nama gaarin waa fakanay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mid kamid ah haweenka ay ahayd Umul, isla markaana ay kamid noqotay dadka ku dhintay mashaqadaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdadaas xanuunka ku reebtay dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayay khasaaraha ka dhasha dhismaha dumayo, iyada oo loo sababeynayo khibrad la’aan iyo farsamo xumo darteed.
Ad
Previous articleCabdiraxman Cabdishakur oo Shaaciyay Faidada Soomaaliya Ugu Jirta Ururka Bariga Bulshada Africa ee Dhawaan Ku biirtay
Next articleNin hubeysan oo toogasho ku Beegsaday saddex nin oo kasoo jeeda Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here