Home Wararka Maanta Gabadha madaxweynaha Kenya oo codsatay in nin guursaado loogu duceeyo oo hadal...

Gabadha madaxweynaha Kenya oo codsatay in nin guursaado loogu duceeyo oo hadal heyn badan dhalisay

0

Duco Alle looga baryayo inuu nin siiyo Charlene Ruto oo ah gabadha uu dhalay madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa waxay dalka ka dhalisay falcelin badan oo dhanka Internetka ah.

Ms Ruto waxa ay ka mid ahayd kumannaan qof oo ka qayb galay kulan baryo-wadareed ah oo uu baadariga Maraykanka Benny Hinn ku qabtay dhammaadkii todobaadkii hore magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Madaxweynaha dalka, William Ruto iyo marwada koowaad ee dalka iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo xaaskiisa Dorcas ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa.

Sida baadarigu codsaday kuwa leh codsiyada ducada gaarka ah inay soo baxaan, inanta madaxweynaha ayaa kacday.

Wadaadkii ayaa u duceeyey oo markii dambe weydiiyey haddii ay jiraan codsiyo gaar ah. Inta aanu ducada sii wadin ayay dhegta wax ugu sheegtay:

Eebow sii nin u oofin doona baaqaas. Rabbiyow u soo dir ninkaas dhallinyarada ah dhankeeda, kaas oo u noqon doona xoog iyo taageere weyn,” Benny Hinn ayaa sidaas ugu duceeyay.

“Arrintan keligeed ma samayn karto, Rabbiyow, waxay aadaysaa goobta dagaalka si ay nolol u kasbato… waxay u baahan tahay nin in ay si dhaqso ah u hesho.”

Ducadan ninka loo baryay gabadha madaxweynaha ayaa dadka Kenyaanka ah ay hadal hayeen -qaar baa dhaleecaynayay,qaar baa u soo diray codsiyo guur, qaarna way ku jeesjeeseen.

Ad
Previous articleDowladda Itoobiya ayaa dhowaan weerar culus ku qaadday kooxdan, balse halkee ayay kasoo askumeen, maxayse isku hayaan iyaga iyo dowladda?
Next articleDhacdo argagax leh ayaa galabta mar kale ka dhacday Magaalada Muqdisho kadib Dil argagax leh oo loo Gaystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here