Home Wararka Somaliya Galmudug Maamulka Galmudug iyo Dowlada Deegaanka itoobiya oo Ku Gulaystay inay Soo...

Maamulka Galmudug iyo Dowlada Deegaanka itoobiya oo Ku Gulaystay inay Soo Celiyaan Xoola Dhawaan laga Dhacay Dad reer Guura ah oo kasoo Jeeda Galmudug

0

Masuuliyiinta ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa ku guulaystay inay kala wareejiyaan inkabadan 3000 kun oo xoolo ah taasoo ay kala dhaceen Maleeshiyaad

Masuuliyiinta Gobolada Doolo, Mudug,Saraakiil iyo Odayaal ayaa goobjoog ka ahaa madashaan Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Doolo Khadiijo iyo Taliyaha Amniga Gobolka Doolo ayaa sheegay inay waqti badan galiyeen soo badbaadinta xoolahaan ay dhaceen Maleeshiyaadku ayna diyaar u yihiin la shaqeynta dhigooda Galmudug

Masuuliyiinta Gobolka Doolo ,Kuwa Degmooyinka Galaadi, Dacdheer iyo Saraakiisha Amniga ayaa sheegay inay muhiim tahay wadashaqeynta iyo ilaalinta Amniga Labada maamul ayna Xabsiga dhigeen ku dhawaad 15 Ruux kuna eedaysan dhicii xoolaha

Axmed Maxamed shire qoodaar Guddoomiye ku xigeenka Gobolka mudug ayaa kaga mahad celiyay masuuliyiinta Doolo doorkada ku aadan inay soo celsheen Xoolaha islamarkaana ay Maamulka Gobolka mudug ka go an tahay ilaalinta darisnimada iyo walaalnimada

Madaxda sare ee Maamulka Gobolka mudug Guddi uu hugaaminaayo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka mudug u xil saaray xalinta Xiisadii la dhalatay xoolihii la dhacay ay soo Afjaraan.

Ad
Previous articleMagacyada madaxda kasoo Qeyb galeysa caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheekh(Akhriso)
Next articleAlshabaab oo Qarax ku Dishay Ciidamo Badan oo Ka Tirsan Danab ee maraykanku Tababaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here