Home Wararka Somaliya Galmudug Maxkamadda gobolka Galgaduud oo maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku faragelineyso...

Maxkamadda gobolka Galgaduud oo maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku faragelineyso xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxday Qoor Qoor iyo ku Xigeenkiisa

0

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku faragelineyso xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxday Galmudug, taas oo u dhexeyso madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Maxkamadda ayaa tallaabada ay qaadahy ku beegsatay xubno kamid ah golaha deegaanka degmada Caabudwaaq oo ah halka uu kasoo billowday khilaafka u dhexeeya labada nin.

Warqad kasoo baxay xafiiska garsooraha maxkamadda gobolka Galgaduud, Axmed Salaad Kulane ayaa waxaa waaran soo qabasho ah loogu jaray 4 kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee Caabudwaaq, gaar ahaan kuwa taageersan madaxweyne ku xigeenka oo shalay doorasho gole deegaan oo uu goobjoog ahaa Cali Ciid ku qabsaday magaaladaasi.

Xubnaha la amray in lasoo xiro ayaa waxaa ku jiro guddoomiyaha iyo ku xigeenka ay shalay iska dhex doorteen afartaasi xubnood, waxayna kala yihiin Cabdinaasir Maxamuud, Maxamed Xasan Nuur, Jaamac Cabdullahi Cabdulle iyo Axmed Cabdisalaan Cabdi oo dhammaantood ka tirsan golaha deegaanka Caabudwaaq.

Maxkamadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay eedda loo haysto xubnahaan ayada oo sheegtay inay ku xadgudbeen sharciga dowladaha hoose ee Galmudug.

“Shaqsiyaadkan magacyadooda sare ku xusan yihiin oo ku eedaysan inay ku xadgubbeen qodobka 13-aad xarafkiisa Kh ee sharciga dowladaha hoose ee dowlad goboleedka Galmudug iyo qodobada kala ah 254, 321 iyo 322 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska garsooraha maxkamadda gobolka Galgaduud.

Tallaabada ay qaaday maxkamadda ayaa kusoo aadayo, xilli madaxweyne ku xigeenka khudbad uu ka jeediyay doorashadii ka dhacday Caabudwaaq uu ku weeraray kooxda madaxweyne Qoor Qoor iyo wasiirka arrimahaha gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.

“Kacdoonka maanta ka jiraa Caabudwaaq wuxuu u egyahay midkii Laascaanood ka dilaacay waxaa la rabaa inaad isku tashataan. Waxaan idin xaqiijinayaa degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo degmadan ay ugu horreyso inay xaqiran tahay inay wixii ay xaqa u lahayd helin” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay, xilli haatan gobollada dhexe ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ad
Previous articleGudoomiyaha Degmada Caabudwaaq iyo kuxigeenkiisa oo la Doortay Xili khillaf Xoogan Taagan yahay
Next articleSheekh Shariif Sheekh Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo xaadiray kulankii maanta ee golaha, isaga oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here