Home Wararka Maanta Lataliyaha amniga Qaranka oo Ka Hadlay Arin Hadal hayn Badan ka Dhalisay...

Lataliyaha amniga Qaranka oo Ka Hadlay Arin Hadal hayn Badan ka Dhalisay Baraha Bulshada oo asaga lagu eedeeyey

0

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada oo la xiriira in kulan uu la qaatay saraakiil Ethiopian ah.

Wararkaas ayaa lagu sheegay in Xuseen Macallin uu safar qarsoodi ah ku tegay dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan hoggaanka kooxda TPLF ee ka dhisan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Ethiopia.

Warbixinadaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xuseen iyo saraakiisha TPLF ay ka wada-hadleen xasaradaha bani’aadaminimo ee ka taagan gobolka Tigray iyo amniga gobolka.

Si kastaba, Xuseen Macallin ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa twitter-ka ku beeniyey wararkaas.

“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,” ayuu Xuseen Macallin ku yiri qoraalka uu soo dhigay twitter.

 

 

Ad
Previous articleWasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo Shaacisay Xiliga loo fariisan Doonaa imtixaanka Dugsiyada sare
Next articleDeni oo Shaaciyay Balan qaad uu Usameeyey Madaxweyne Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here