Home Wararka Maanta Ciise Sheekh Ibraahim oo lagu dilay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya cida...

Ciise Sheekh Ibraahim oo lagu dilay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya cida dishay

0

Kooxo tooreeyo ku hubeesnaa oo la sheegay in ay ahaayeen ciyaal weero, ayaa xalay xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay wiil dhallinyaro ah oo degmadaasi deganaa.

Sida aan wararka ku helnay kooxda ciyaal weerada ah ayaa dilay Ciise Sheekh Ibraahim oo ahaa nin dhallinyaro ah, waxaana wiilkan goobjoogayaal sheegeen in lagu dilay  inta u dhexeysa Dabaqeenka iyo Suuq liif ee degmada Dharkeenleey.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan ciyaalka weerada ee lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka wiilkan dhallinyarada ah.

Ehelada wiilka la dilay ayaa ciidamada amniga iyo laamaha Cadaaladda ka codsaday in ay gacanta kusoo dhigaan dhallinyaradii dilka geesatay, kuwaa oo la tuhmayo in ay joogaan qeybo kamid ah dharkeenley.

Ad
Previous articleRayswasaare Xamse oo Casha Sharaf usameeyey Ciyaartoydii Gussha soo Hoysay( Sawiro)
Next articleMadaxweyne Deni oo casuumaad u Fidiyay Ciyaartooydiii wacdaraha Ka Dhigay Adisababa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here