Home Wararka Maanta Xildhibaan Kulane Jiis oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Shiikh iyo...

Xildhibaan Kulane Jiis oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Xamse Cabdi Barre

0

Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan garabka mucaaradka ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulane Jiis ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ee ay hoggaamiyaan Xasan Sheekh iyo Xamza inay ka gaabisay xaaladaha adag ee ka dhashay fatahaadaha ku dhuftay dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in u gurmashada dadka ay uga mashquuleen arrimo siyaasadeed, sida wax ka beddalka dastuurka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladii laga rabay gargaarka, guddiyo iyo abaabulka ganacsatada inay maanta siyaasad lasoo aadeyso baarlamaanka oo ay ka hadleyso in dastuurka la beddalo oo ay ka hadleyso in nidaamka dowladda la beddalo” ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane (Jiis).

Waxaa oo kale oo uu yiri “Dadkii oo biyaha dhex jiifa in siyaasad lagu kor furo oo madaxweynihii kaambeyn xildhibaanu ugu yeerto oo uu yiraahdo dastuurka hala beddalo nama qabato”.

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale duray booqashada uu ra’iisul wasaaraha ku tegay Jubbaland, wuxuuna sheegay in dadkaas aysan u baahneyn igu sawir ee ay u baahan yahay ficil iyo in la gaarsiiyo kaalmo bani’aadanimo oo deg-deg ah.

“Deegaankaas igu sawir uma baahna, uma baahna hadal, wuxuu u baahan yahay ficil dhab ah” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku.

Hadalkan ayaa Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane waxa uu ka sheegay Kudlad la magac baxday Toosin Qaran oo maanta xildhibaanada mucaaradka ah uga dhawaaqeen Muqdisho.

Kudladan ayaa ka shaqeyn doono la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe iyo ilaalinta dastuurka, sida ay shaaciyeen xildhibaanada dhisay.

“Ujeedada guud ee Kudlada waa metalaadda shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtanka iyo kor-joogteynta hay’adaha dowladda, dajinta iyo ilaalinta shuruucda dalka” ayay yiraahdeen.
Ad
Previous articleCabdikaafi Nuur Yuusuf oo dhawaan Dilay Cali Cabdi Cali oo Xukun Adag lagu Riday
Next articleFannaanka caanka ah ee Xasan Aadan oo baraha bulshada qabsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here