Home Wararka Maanta Mareykanka oo war ka soo saaray heshiiskii is-afgarad ee lagu gaaray Addis...

Mareykanka oo war ka soo saaray heshiiskii is-afgarad ee lagu gaaray Addis Ababa

0

Dowladda Mareykanka ayaa ku gacan sayrtay aqoonsi ay hesho Somaliland, waxayna ku baaqday xasillooni kadib markii madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi uu heshiis la galay Itoobiya.

Soomaaliya ayaa ku eedeysay dalka aan badda lahayn ee Itoobiya inuu weerar kusoo qaaday madax-banaanideeda kadib markii uu heshiis la galay Somaliland, kaasi oo siinaya marin ay ku gasho Badda Cas.

“Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku saleysan xuduudaheeda 1960-kii,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Matthew Miller.

“Waxaan kula biireynaa saaxiibadeena inaan muujino walaaca xooggan ee aan qabno ee ku saabsan xiisadaha kasoo kacaya Geeska Afrika,” ayuu yiri.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan saamileyda inay galaan wadahadal diblomaasi,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo heshiiska la saxiixday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay in bixinta marin badeed ay beddelkeeda Itoobiya “si rasmi ah u aqoonsan doonto” Somaliland.

Dowladda Itoobiya si rasmi ah uma xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay inay darsi doonto sidii ay u qaadan laheyd mowqif ku aadan arrintaas.

Mowqifka Mareykanka ayaa xoojinaya mid la mid ah oo Midowga Yurub uu horey uga qaatay xiisadda, islamarkaana taageero buuxda u muujiyey madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya

“1-dii Janaayo, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biihi ayaa saxiixday is-afgarad Itoobiya u damaanad qaadaya inay marin u hesho Badda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibedda Midowga Yurub.

“Midowga Yurub wuxuu jecel yahay inuu xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Tani waxay muhiim u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.”
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Kuwa Gor Gor oo Si Rasmi ah ula Wareegay Magaalada Caad
Next articleSomaliland oo Shuruud Adag ku Xirtay Itoobiya Sheegtayna inaysan Saxiixi Doonin Heshiiskii Bada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here