Home wararka Dalka Dhageyso Go.an Adag uu Qaatay Axmed Madoobe Beesha Caalamka oo Kismaayo Gaartay...

Dhageyso Go.an Adag uu Qaatay Axmed Madoobe Beesha Caalamka oo Kismaayo Gaartay ”Magaca Kumeel Gaarka Naga Daaya ”

0

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Madoobe ayaa goordhaw warbaahinta kula hadalay Magaalada Kismaayo,wuxuuna hadalkan dhacay,kadib markii uu booqasho halkaasi ku tagay Wakiilka Xogahaya Guud ee Dalka QM Soomaaliya,ayna Maamulka Jubbaland aqbaleen qorshihii nidaamka doorashooyinka ee Magaalada Muqdisho lagu gaadhay.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Axmed Madoobe,Waxay Beesha Caalamka,IGAD iyo DF Soomaaliya Maamulkiisa kula tacaamulaan,in ay yihiin Maamul kumeel gaadh ah ee ayna ahayn Maamul buuxa,waxayna taasi qayb ka ahayd heshiiskii Magaalada Adis abab ay DF Soomaaliya kula galeen,maamulkoodu.

“Maanta laga bilaabo Waxaan gaadhnay go’aan kama Jawaabi dooni Warqadaha ay noo soo qoraan Beesha Caalamka , IGAD DF Sooomaaliya iyo cidwalba oo dan nagala dhaxayso,hadii lagu soo qoro MKG ah,Beesha Caalamkan Waan us heegnay “Ayuu yidhi Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland oo si cadho leh ooga jawaabayey qoraal ay Beesha Caalamku u gu keentay Magaalada Kismaayo.

“Waan fulinay heshiiskaas Waxaan qabanay wixii suurogal ahaa,ee aan qaban karay,waxay inta badan DF Soomaaliya dib oogu laabtay waxyaabihii khilaafkaadkaas keenay,dhibaatadii badnayd ee naga dhex dhacay waan xalinay,heshiisyo ayaana laga gaadhay,ma ogin Sababta ilaa hada naloogu sheego in aan nahay Maamul Kumeelgaadha ah”Ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Halkan Hoose ka Dhageyso

riix

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here