Home Wararka Maanta Galmudug oo Cadeesay Mowqifkeeda ku aadan khilaafka cusub ee soo kordhay (Akhriso)

Galmudug oo Cadeesay Mowqifkeeda ku aadan khilaafka cusub ee soo kordhay (Akhriso)

0

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa walaac xooggan looga muujiyay khilaafka ku yimid hanaankii doorashada iyo dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal.

Galmudug qoraalka kasoo baxay ayaan cid toos ah farta loogu fiiqin , waxa ayna Madaxtooyada Galmudug cadeesay go’aan kasta oo hal dhinac ah in uu khatar gelin karo wadajirka iyo wada shaqeynta gollaha wadatashiga Qaran.

Halkan ka akhriso go’aanka kasoo baxay Galmudug

Dowladda Galmudug waxay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.

Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka.

Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.

Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.

DHAMMAAD

Ad
Previous articleHay’adda NISA oo shaacisay inuu jiro Shirqool lagu dilayo Rooble iyo Farmaajo
Next articleKoonfurgalbeed oo Xariirka U jartay Rasulwasaare Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here