Home Wararka Maanta Warbaahinta Qaranka oo Diiday inay Baahiso Khudbadii Shariif uu ka Jeediyay Baarlamaanka...

Warbaahinta Qaranka oo Diiday inay Baahiso Khudbadii Shariif uu ka Jeediyay Baarlamaanka Iyo Shiikh Shariif oo Si Cara leh ugu Hadlay

0

Warabaahinta Qaranka ayaa iska Diiday inay Maantay Baahiso Khudbad uu Baarlamaanka Soomaaliya Ka Jeediyay Shiikh Shariif Shiikh axmed Taas oo uu ku Mucaaraday Wax Ka Badalka dastuurka.

Shiikh shariif ayaana Goordhoow Soo Saaray Qoraalkaan:

Hadal jeedintaydii maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaan ugu hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka badalka Dastuurka iyo Xaaladda guud ee Amniga dalkeenna.

Aragtidayda iyo dareenka shacabka ay qabaan in aan ka sheego Baarlamaanka hortiisa waa qodob dastuuri ah , balse warbaahinta qaranka ee la rabay in ay noqoto indhaha ay bulshadu wax ku aragto, lagu saxo dowladnimada, u sinnaadaan masuuliyiinta, mucaarad iyo muxaafid ayaa maanta laga baahin waayay aragtidayda.

Ma aqaan sababta keeni karta tallaabadan is hortaagga ah . Laakin tani waxay billow u tahay waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida Xildhibaanka iyo tan siyaasiga.

Biyo dhul lagu arag lagana dhoor.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Saldhigii ugu waynaa Alshabaab ee Deegaanka Cali Yabaal oo la burburiyay iyo Dagaal Qaraar oo ka socda
Next articleArwaax Ibraahim iyo Axmed Ibraahim oo Dad Safar ahaa laayay oo Xukuno Adag lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here