Home Wararka Maanta War deg deg Ah: Puntland oo ka hadashey Shirka ka socda Muqdisho...

War deg deg Ah: Puntland oo ka hadashey Shirka ka socda Muqdisho ee Deni ka dhanka ah

0

Afhayeenka Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Deperaani) ayaa ka hadlay shirka ka dhanka ah Siciid Deni ee ka furmay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in xubno fashilmay yihiin kuwa naar afuufka ku haya Puntland islamarkaana cid warkooda dhageysaneyso aysan jirin.

Hoos ka akhriso qoraalka uu facebook ku daabacay afhayeenka Puntland

Waa Siyaasiyiin ku fashilmay in ay Puntland ku metalaan heer Federaal, oo iyagoo u adeegaya dano iyo siyaasado ka baxsan Puntland sanadihii ugu danbeeyay loo adeegsanayay carqaladeynta iyo in la dhibaateeyo Dowladnimada Puntland.

Kadib markii Dowladd iyo shacaba meel looga soo wadajeestay, tabartoodu waxay dhaxalsiisay in ay Shirar ku abaabulaan meelo ka baxsan Puntland, badbaado ka weyn ma jirto in metelaadii Puntland heer Federaal idinka la idinka badbaadiyay.

Puntland waxaa ka jira nidaam Dowladnimo oo qaangaar ah, hadana u gudbay in Shacabku madaxdooda doortaan, Siyaasiyiinta Puntland ee sida madaxa banaan wax u naqdiya waxay aragtidooda dhiibtaan iyagoo gudaha Puntland jooga.

Ad
Previous articleDhageyso: khudbadii Lafta gareen oo ka hadlay khilaafka taagan iyo Waxa uu Salka ku hayo
Next articleMaamulka Jubbland oo ka hadlay go’an kooda ku aadan ceyrinta Francisco Madeira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here