Home Wararka Somaliya Somaliland Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliland oo Ku Baaqay in Ciidamada Soomaaliland laga Saaro Laasacaanood

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliland oo Ku Baaqay in Ciidamada Soomaaliland laga Saaro Laasacaanood

0

Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa ugu baaqay Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo gobaladda SSC, oo ay fuliyaan go’aankii ay gaareen Isimadda dhaqanka ee gobaladaas oo isku duuban.

“Madaxweyne Muuse, Badbaada maanta jirtaa waa in aad ciidamadeeda kala baxdaa deegaanada SSC, maanta berrito maaha, Haddii kale colaad raagta oo kalifaysa in aan dabka la kala qaadan ayaa ka dhalanaysa” Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlayay Laascaanood.

Madaxtooyada Somaliland ayaa wada mooshin ka dhan ah gudoomiyaha golaha wakiilada, oo ah qofka 3aad ee ugu sareeya maamulkaas, ka dib markii uu si cad u sheegay ama uga hadlay waxa ka dhacaya gobalka Sool, gaar ahaana Laascaanood oo uu kusugnaa mudooyinkii lasoo dhaafay.

Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in dadka deegaanka taladooda oo kaliya ay kasoconayso gobalka, dadaal kasta oo nabadeed ayuu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi diiday, uuna door-biday jidka dagaalka iyo galida gabood-falo ka dhan ah xaquuqda aadanaha oo noqonaya dambiyo dagaal.

 

 

Ad
Previous articleIsmarin waa ka dhex taagaan waddamada G20 ka dib markii Shiinaha uu diiday in uu cambaareeyo duulaanka Ruushka ee Ukraine
Next articleDuq Magaalo iyo dad kale oo badan oo loo xiray Dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here