Taliyaha Millateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Taani iyo Taliyaha Milateriga Ethiopia Marshal Birhanu Julana ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.
Kulanka Taliska Milateriga Somaliland iyo Ethiopia ayaa daba socda heshiiskii dhawaan ay Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ku gaadheen Addis Ababa, kaasi oo Itoobiya lagu siinayo qeybo kamid badda Soomaaliya.
Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa baahisay in labada dhinac ka wada-hadleen arrimaha xiriirka Milateriga iyo iskaashigooda, kaasi oo sidoo kale qeyb ka ahaa heshiiskii is-afgarad ee toddobaadkii tegay ay wada saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.
Maalmo kahor ayay aheyd markii Taliska ciidanka Milateriga waddanka Itoobiya uu sheegay in aysan dhag jalaq usiin doonin, islamarkaana ay naftooda u huri doonaan fulinta heshiiska ay Itoobiya ku helayso bad, kaasi oo ay ka carootay dowladda federaalka oo iyadu sheegtay inuu xad-gudub ku yahay madax-banaanida dalka.
Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ay ka dhalatay dhaleeceyn xoogan oo ay la kulmeen labada dhinac, ayada oo dowladda federaalka ay qaaday tallaabooyin lagu burinayo heshiiskaas.