Home Wararka Maanta Cudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray Tanzania oo hadda la ogaaday waxa...

Cudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray Tanzania oo hadda la ogaaday waxa uu yahay

0

Wasaaradda caafimaadka ee Tanzania ayaa sheegtay in la ogaaday waxa uu yahay cudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray dalkaas kaasoo lagu sheegay in uu yahay cudurka Marburg haemorrhagic.

Cudurkan waxaa Tanzania ugu dhintay 5 qof.

Feyraskan qofka uu ku dhaco wuxuu isku arkaa qandho daran, dhiig bax iyo inay shaqada gabaan qaar kamid ah xubnaha jirka.

Feyraskan waxay is leeyihiin cudurka Ebola.

Wasiirka caafimaadka ee Tanzania Ummy Mwalimu ayaa ugu baaqday shacabka inay is dejiyaan maadama dowladda ay xakameysay fiditaanka cudurka.

Waxay intaa ku dartay in 3 qof oo ku dhacay cudurkan la daweynayo halka ay ku daba jiraan 161 qof oo la kulmay dad uu horey ugu dhacay feyraska.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii koox gaar ah loo diray gobolka dhaca waqooy galbeed ee Kagera oo u dhaw xadka Uganda si ay baaritaan ugu soo sameeyaan cudurka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa bogaadisay sida deg dega ah ay Tanzania uga falcelisay cudurka.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay Tirada Alshabaab looga Dilay Wajigii Koobaad ee Dagaalkii Dhawaan Lagu Qaaday
Next articleTaliyaasha Saldhigyada Booliiska Gobolka Banaadir oo isbadal lagu sameeyay Xili amaanka Muqdisho sii xumaanaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here