Home Wararka Somaliya Dowlada puntland oo ka Hadashay iscasilaadii Gudoomiyaha iyo gudoomiya Kuxiigeenka Doorashooyinka Puntland

Dowlada puntland oo ka Hadashay iscasilaadii Gudoomiyaha iyo gudoomiya Kuxiigeenka Doorashooyinka Puntland

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyadoo ka xun iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC), waxay Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntlandba u caddeynaysaa in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho, Dowladda Puntlandna u idmantahay ka guul gaarista hirgelintiisa. Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo Dowladda Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

 

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Guddoomiye Guuleed Saalax, Kuxigeenkiisa Jaama iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celinaysaa hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl. Qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman wuxuu u soconayaa sidii loogu talo galay insha Allaah.

Ad
Previous articleMaxaa Looga Hadlayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ?
Next articleShirkii Golaha Wadatashi Qaran oo ka Furmay Magaalada Muqdisho iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo ka qayb gaalaaya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here