Home Wararka Somaliya Dhageyso: Galmudug oo ka hadashey Dagaalka Guriceel, iyo Cida Gacanta ku heysa...

Dhageyso: Galmudug oo ka hadashey Dagaalka Guriceel, iyo Cida Gacanta ku heysa Magaalada

0

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa shir jaraa’id u uku qabtay galabta dhuuso mareeb waxa uu faah faahin ka bixiyey howlgalkii ay dib ugu qabsadeen maanta Guriceel.

Falagle ayaa Ahlusuna ku eedeeyey in Haween iyo Carruur dugsi qur’aan dhiganayey ay kusoo hubeeyeen kuwaas oo saaka dagaal kusoo qaaday ciidamada dawlada iyo kuwa Galmudug waa sida uu warka udhigay.

Waxay Galmudug sheegtay in dhamaan Guriceel ciidamada Amaanka ay la wareegeen oo laga saaray Ahlusuna islamarkaana ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan.

Maxaabiis ayuu sheegay in lagu qabtay dagaalkii maanta dhacay isagoo sheegay in lagu raad joogo cid walbo oo isku dayeysa inay Dawladnimada jirta ka hor timaado.

Ad
Previous articleDhageyso: Axmed Fiqi oo ka hadlay Dagaalka Galmudug ka Socda iyo Xaalada Guriceel
Next articleXogta Saraakiishii ku dhimatay Dagaalkii Maanta ee Gurceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here