Home wararka Dalka Daawo Sawirada Saraakiil Ciidanka Dowlada Somalia oo Booqday Ciidanka Xooga Qeybta Galmudug’

Daawo Sawirada Saraakiil Ciidanka Dowlada Somalia oo Booqday Ciidanka Xooga Qeybta Galmudug’

0

Saraakiisha ka socotay Taliska guud ee Xoogga dalka ee maanta kormeeray xarumaha ciidamada Qaybta 21-aad ay ku leeyihiin magaalada Cadaado ee goboka Galgaduud ayaa waxaa hogaamiyayay madaxa kormeerka Gaashaanle sare Cali Cabdi Kulmiye.

Saraakiisha ayaa eegayay hormarada ay sameeyeen ciidamada qaybta 21-aad, saadkooda, mushaaraadka iyo baahiyada ay qabaan.

Ammaanduulaha ciidanka qaybta 21-aad ee Xoogga dalka Korneel C/llahi Aaden Xuseen (Cirro) ayaa sheegay in ciidamo cusub laga qorayo gobolada dhexe, kuwaas oo Taliska ku soo biiraya.

Gaashaanle sare Cali Cabdi Kulmiye oo saraakiishan kormeerka ah hogaaminayay ayaa sheegay in qaybta 21-aad hormarin wayn lagu samaynayo islamarkaana ay heli doonaan gaadiid iyo tababaro dal iyo dibad ah.

ciidan1 ciidan2 ciidan3 ciidan4 ciidan5 ciidan6 ciidan7 ciidan8 ciidan9 ciidan10 ciidan11 ciidan12 ciidan13 ciidan14 ciidan15 ciidan16 ciidan17

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here