Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe oo Soo Gaaray Muqdisho iyo Sababta oo La Shaaciyay(Sawiro

Axmed Madoobe oo Soo Gaaray Muqdisho iyo Sababta oo La Shaaciyay(Sawiro

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa galabta soo gaaray Muqdisho, isagoo ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Imaanshaha Axmed Madoobe ayaa ka duwaneyd safaradii uu horray ugu imaan jiray Muqdisho oo ay Ciidamo fara badan oo hubeysan soo hor-mar jireen, isagoo sidoo kalen deegaan ka dhigan jiray gudaha Hotelada ku yaal Garoonka Diyaaradaha.

Waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Ilaalo dharcad oo kooban, waxaana uu degay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia oo muddo sanado ah aanu degin intii uu jiray mad-madowgii u dhaxeeyay Maamulka Jubbaland iyo dowladdii hore oo mar isku dayday inay ka soo xirto Kismaayo, iyadoo adeegsaneysay Ciidamo Kumaandoos Itoobiyaan ah.

Ad
Previous articleWafuudii Ugu Horaysay ee Ka Qayb Galaysa Caleema Saarka Madaxwayanaha Soomaaliya oo Muqdisho Soo Gaaray
Next articleTurkiga oo dagaal ku qaadaya jabhad uu Mareykanka Taageero

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here